7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 3 , 2022
Cabdiweli Gaas: Xalka doorashada wuxuu ku jiraa in lasii daayo kuraasta laga reebay liiska barlamaanka
 

Axad, April, 3, 2022 (HOL) - Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabdiweli Cali Gaas ayaa sheegay inaysan jirin sabab guddiga doorashada uu afar kursi uga reebo liiska barlamaanka, isagoo sheegay in dhammaan kuraasta la doortay ay u badan yihiin kuwo kusoo baxay sifo aan sharci ahayn.

Cabdiweli Gaas wuxuu sheegay isqabqabsiga guddiga doorashada inay tahay arrin siyaasadeed oo lasoo dhex marsiiyay guddiga doorashada.

“Waxa meesha ka dhacayay oo dhan waxay ahaayeen, wax xulasho ah, wax xor ah may ahay, wax xallaal ah may ahayn. Haddii xildhibaannada aqal kusoo baxeen sifo sharcin darro ah, maxaa afar kursi loo qabsanayaa.

Guddoomiyuhu waa inuu ummadda u sheegayaa, maxaa afartan kursi ku gaar ah, aniga iima muuqato wax ku gaar ah, kamana duwana kuwa kale ee soo baxay,’ ayuu yiri Gaas.

Cabdiweli Gaas ayaa ku eedeeyay raysal wasaare Rooble karti xumo iyo inuu qeyb ka yahay isqabqabsiga guddiga doorashada. Wuxuu sheegay inuu xalka ku jiro in afartan kursi lasii daayo.  

“Aniga runtii raysal wasaaraha waxaa iiga muuqata karti darro aad u tiro badan, shaqadana sidiii loo rabay ma uusan u fulin. Ma garan karo waxa uu hadda ka qaban karo arrintan, sababtoo ah haddiiba uu isagu qeyb ka yahay isqabqabsiga socda, sidee buu xal uga gaari karaa,” ayuu yiri Gaas.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online