7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 3 , 2022
Qiimaynta hordhaca ah ee hantidii ku burburtay suuqa Hargaysa oo lasoo bandhigay

Axad, April, 3, 2022 (HOL) - Guddida uu madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, u xil saaray tirakoobka hantida lagu waayay dabkii burburiyay suuqa Hargaysa, iyo hogaaminta dadaalada dib loogu dhisayo suuqa, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in qiimaynta hordhaca ahi sheegayso in ay burburtay hanti dhan 1.5 ilaa 2 bilyan oo dollar.

Mayorka caasimada Hargaysa Cabdikariin Axmed Mooge, oo kamid ah guddida, ayaa warbaahinta u akhriyay qiimaynta hor dhac ah ee khasaaraha uu sababay dabka halakeeyay suuqii Somaliland ugu waynaa ee Waaheen.

"Sida ay sheegtay xog ururin hor dhac ah, dhibkii iyo khasaarihii ay sababtay masiibadii halkan ka dhacday, waxaa lagu qiimeeyay in ay u dhaxayso hal-bilyan iyo badh ilaa laba-bilyan" ayuu yidhi mayor Mooge.

Mayorka ayaa sheegay in dhaqaale ururin loo samayn doono dadkii hantidoodu ku burburtay dabka socday mudada ku dhaw sodonka saacadood, wuxuuna warbaahinta u akhriyay akoono uu sheegay in lagu soo hagaajin doono wixii taakulo ah ee ay bixinayaan beesha caalamka iyo dadka Soomaaliyeed.

Guddida ayaa sheegtay in xalay fiidkii lagu guulaystay in la bakhtiiyo dabka. Wali ciidamada dab damiska ayaa gaadh kahaya suuqa gubtay iyaga oo ka cabsi qaba in uu markale qarxi karo.



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online