4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 29, 2022
Diridhabe : Dibadbaxyo Rabshado isu badalay oo galinkii dambe ee maanta ka dhacay magaalada Diridhabe
 

Jimco, April, 29, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya magaalada Diridhabe ayaa sheegaya in maanta salaaddii Jimce kaddib, ay magaalada ka dhaceen dibadbaxyo muslimiinta magaaladu ku muujinayeen dareenkooda ku aadan, dhacdadii dhibka loogu gaystay magaalada Gonder ee gobolka Axmaarada.

Haddaba dibadbaxyadan ayaa markii dambe waxay isku badaleen Rabshado ay sameeyeen qayb kamid ah dadkii dibadbaxayay, waxayna wararku sheegayaan in Booliska magaalada Diridhabe oo kaashanaya Boolis Federalka ay kala eryeen dadkii dibadbaxa samaynayay, kaddib markii ay dhagaxtuur bilaabeen dhalinyar kamid ahayd dadkii banaanbaxayay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in rabshaddu ay u badnayd xaafadaha loo yaqaano Dechatu, Lagahare iyo Ashawa in kastoo ay markii dame iska degganayd xaafadaha Ashawa, dadkuna ay si toos ah isooga adeeganayeen.

Wali xabado ayaa laga maqlayay qaybo kamid ah magaalada, iyadoo Askartuna ay baadi goobayaan dadkii rabshadda bilaabay, waxaana wali xiran meherado badan oo ku yaala goobaha ay dhibaatadu ka jirto.

Magaalada inteeda kale ayaa deggan, iyadoo dadka deggan xaafadaha kale ee magaalada Diridhabe ay sheeko un ku tahay dhibkii maanta ka dhacay magaalada inteeda kale.

Diridhabe ayaa muddo ka nasatay rabshadaha, iyadoo sanadihii hore magaaladu ay kusoo noqnoqonayeen rabshado u dhaxeeyay qowmiyadaha wada degga magaalada, oo marna qowmiyad salka ku haysay marna diin salka ku haysay, balse muddo ka roonayd rabshado ka dhaca magaalada Diridhabe.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]