4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 29, 2022
Waare: “Farmaajo mustaqbalkiisa siyaasadeed waa la soo gabagabeeyay, waa inuu ku daydaa saaxiibkiis Mursal oo uusan tartamin
 

Jimco, April, 29, 2022 (HOL) - Madaxweynihii hore ee maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay madaxweyne Farmaajo in uusan lahayn wax fursad ah oo mar kale loogu dooran karo madaxweynaha Soomaaliya.

Waare ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo iyo saaxiibadiisa siyaasadeed ay guul darro siyaasadeed oo xanuun badan kala kulmeen doorashada guddoonka barlamaanka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay guul darrada soo gaartay madaxweyne Farmaajo inay tahay dhaxalka shantii sano ee lasoo dhaafay, isagoo tilmaamay fursada kaliya ee u furan inay tahay inuu sameeyo sidii uu sameeyay guddoomiyihihii barlamaanka, Maxamed Mursal, kaas oo aan ka qeyb galin doorashada barlamaanka.

“Madaxweynaha waxaa caalamad ugu filan doorashadii xalay, waa aragyaa tababartiisa inta ay le’eg tahay, weliba xoogaaga uu helay waxaa u keenay rag yaroo ka hari waayay oo uu talada ka diidi jiray,” ayuu yiri Waare.

Madaxweyne hore Waare waxaa uu sheegay madaxweyne Farmaajo inuu ka tagayo casharo siyaasadeed oo u baahan in wax laga barto, loogana baahan yahay dowladda imaan doonto inay saxdo wax walba oo dowladiisu hallaysay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]