4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 29, 2022
Soomaaliya oo dib Safaaraddeeda uga furatay Dalka Rwanda
 

Jimco, April, 29, 2022 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay inay dib Safaaraddeeda uga furatay dalka Rwanda, iyadoo la fulinayo heshiiskii 26 Janaayo ay kala saxiixdeen Wasiirka Arrimaha Dibadda  Soomaaliya, Cabdisaciid Muuse Cali iyo Dhiggiisa Rwanda , Dr. Vincent Biruta.

Danjire Sahra Cali Xasan ayaa warqadaheeda aqoonsiga danjirannimo ku wareejisay Madaxweynaha Rwanda, Mudane Paul Kagame , 26 bishan April, iyadoo ahayd Safiir "ma degane ah".

Danjire Sahra Cali ayaa sidoo kale nuqul ka mid ah warqadaheeda aqoonsiga danjirannimo ku wareejisay Wasiirka Arrimaha Dibadda Rwanda 25 bishan April, iyadoo la qaadatay kulan lagu xoojinayo xiriirka diblumaasiyadeed ee labada waddan.

Soomaaliya ayaa xoojinaysa xiriirka kala dhexeeya Rwanda, waxayna tallaabadan qeyb ka tahay qorshe lagu ballaarinayo matalaadda Soomaaliya ee dalal dhowr ah, sida ay sheegtay danjire Sahro.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]