4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 29, 2022
Cismaan Salaad Daahir oo loo yaqaanay Atooraha xeebta Liido oo Muqdisho lagu dilay

Jimco, April, 29, 2022 (HOL) - Cismaan Salaad Daahir oo loo yaqaanay Atooraha xeebta Liido, islamarkaana ahaa askari katirsan ciiddanka booliiska Sooamaaliyeed, ayaa shalay galab lagu dilay magaalada Muqdisho.

Cismaan Salaad Daahir ayaa xilliga la dilayay waxaa uu afur u qeybinayay dad masaakiin ah oo ku sugnaa xaafadda Taleex ee degmada Hodan, halkaas oo galabta kasta lagu arki jiray.

Muuqaal maalmo ka hor laga duubay ayuu dadka ku baraarujinayay in dadka masaakiinta la caawiyo, isagoo lacagaha uu shacab kasoo aruriyo u qeybin jiray hooyooyinka danyarta ah iyo waayeelka kale.

Geeridiisa ayaa ahayd mid aad looga naxo, oo ay dareemeen dhalinyarada magaalada Muqdisho, uu u ahaan jiray madadaaliye iyo wacyi galiye ku dhiirri galinaya inay iscaawiyaan.

Ka hor inta uusan booliiska Soomaaliya ku biirin, waxaa uu caan ku ahaa inuu xeebta Liido dhallinyarada ugu qaban jiray barnaamijyo madadaalo ah oo ay dadku aad u jeclaayeen.

Lama garanayo cidda ka dambeysa iyo sababta loo dilayo Atooraha badda, inkastoo qof kaste oo xiran shaatiga dowladda uu beegsi u yahay Alshabaab.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]