4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 29, 2022
Hay'adda nabad sugida Koonfur galbeed oo soo bandhigtay sarkaal katirsan Alshabaab

Jimco, April, 29, 2022 (HOL) - Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa oo soo bandhigtay mid kamid ah saraakiisha Alshabaab oo lagu magacaabo Ciise Cumar Deerow Isxaaq.

Sarkalkaan ayaa Alshabaab u qaabilsanaa Weerarada isagoona muddo 8-sano uu ka tirsanaa, wuxuuna madax u ahaa koox jabhad ah oo tira ahaan uu ku sheegay 400-Askari.

Waxaa uu sheegay inuu qeyb ka ahaa dagaalo dhowr ah oo ka dhacey Gobolada Jubooyinka iyo Baay. Hay'adda Nabadsugida ayaa soo bandhigtey hub uu kala soo goostey Kooxdii uu ka tirsanaa oo ay kamid yihiin 2-qori oo AK47 & 1-beekam ah.

“Ciise Cumar Deerow oo ah Horjoogaha isku soo dhiibey Ciidamada Nabdsugida iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed ayaa hoosta ka xariiqey inuu fahmey dhibaatada ay shacabka u maleegayaan Kooxda Nabad-diidka ah, wuxuuna sidoo kale sheegay in dhalinyarada la marin-habaabiyey oo la qaldey loona sheegey Fikir xagjirnimo ah ay wada Fahmeen oo ay go’aansadeen inay dib ula mid noqdaan Shacabkooda,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay hay’adda nabad sugida Koonfur galbeed.

Sarkalkan waxa uu sheegey in sababta uu usoo goostay ay qeyb ka tahay  go'doominta gobolada uu kasoo jeedo, taasoo uu ku tilmaamay Fikir qaldan oo shacabka lagu dhibaateeyay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]