4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 28, 2022
Xildhibaan Cabdullahi Cumar Abshirow oo loo doortay guddoomiye ku xigeenka labaad ee barlamaanka Soomaaliya
 

Khamiis, April, 28, 2022 (HOL) - Xildhibaan Cabdullahi Cumar Abshirow ayaa ku guuleystay Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ayaa helay 146 cod, halka Mahad Cabdalla Cawad oo la tartamayay uu helay 95 cod, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Golaha Shacabka.

Guusha Abshirow ayaa ka dhigan in barlamaanka Soomaaliya uu yeeshay guddoon cusub, iyadoo ay meesha ka baxeen dhammaan guddoonkii hore ee barlamaanka, taasoo muujinaysa inay barlamaanka awood xooggan ku leeyihiin mucaaradka.

Xildhibaan Abshirow ayaa xilka kala wareegaya xildhibaan Mahad Cabdalle Cawad oo muddo dheer ahaa guddoomiye ku xigeenka labaad ee barlamaanka Soomaaliya, kaasoo wareegii hore ee doorashada ahaa xildhibaanka ugu codka badan.

Musharraxiintii ka tanaasulay doorashada ayaa intooda badan waxay codadkooda ku biiriyeen xildhibaan Abshirow, taasoo keentay wareeggii 3-aad  in natiijadu dhinaca kale isku rogto.

Labada guddoomiye ku xigeen ayaa xilalkooda loo dhaariyay, waxaana maalinta sabtida la filayaa inay masuuliyaddooda la wareegaan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]