4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 28, 2022
Xildhibaan Sacdiyo Yaasiin Samatar oo loo doortay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee barlamaanka Soomaaliya
 

Khamiis, April, 28, 2022 (HOL) - Xildhibaano Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar ayaa ku guulaystay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee barlamaanka Soomaaliya, waxayna noqonaysaa haweeney ugu horraysay ee guddoomiye ku xigeenka ka noqota barlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaan Sacdiyo oo lagasoo doortay Puntland ayaa doorashada ka heshay 137 cod, halka  xildhibaan Maxamed Cali Cumar Caananuug oo lagasoo doortay Jubbaland uu doorashada ka helay 107 cod.

Xildhibaan Sacdiyo Samatar waxay kamid ahayd xildhibaannadii sida adag ugasoo horjeeday siyaasada madaxweyne Farmaajo, waxayna safka hore kaga jirtay xildhibaannada isbedel doonka.

Guusheeda ayaa ah mid rajo weyn galinaysa musharraxnimada madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo loo arko inuu qeyb ka yahay guusha ay gaartay xildhibaan Sacdiyo Yaasiin Samatar.

Illaa iyo hadda doorashada guddoonka barlamaanka Soomaaliya waxaa muuqata inay qolyaha isbedel doonku guulo waawayn ka gaareen doorashada ka socota teendhada Afisyooni.

Guddiga doorashada ayaa laga sugayaa inay ku dhawaaqaan guusha xildhibaan Sacdiyo Salaad iyo codadka ay ka heshay doorashada

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]