4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 28, 2022
Wareegyada ugu dambeeya ee doorashada guddoomiye ku xigeennada barlamaanka oo socota
 

Khamiis, April, 28, 2022 (HOL) - Wareegga koowaad ee doorashada guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka ayaa lasoo gabagabeeyay, iyadoo ay ku tartamayeen 7 musharrax.

Natiijada Wareega koowaad ee Doorashada Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka BJFS:-

1. Xil. Cabdullaahi Cumar Abshir: 43 Cod
2. Xil. Axmed Aadan Axmed: 16 cod
3. Xil. Asad Cabdirisaaq Maxamed: 18 Cod
4. Xil. Ayuub Ismaaciil Yuusuf: 24 Cod
5. Xil. Mahad Cabdalla Cawad: 87 cod
6. Xil. Maxamuud Xuseen Abuukar (Gaaraxo): 24 Cod
7. Xil. Saciid Maxamed Cali: 38 Cod

Wareegga labaad waxaa usooo gudbay shan musharax, waxaana loo tanaasulay labada musharrax ee ugu codadka badnaa, kuwaas oo kala ah, xildhibaan Mahad Cabdalla Cawad oo helay 87 cod iyo xildhibaan Cabdullaahu Cumar Abshir oo helay 43 cod.

Labada xildhibaan ayaa wareegga saddexaad ku kala bixindoona, waxaana musharrixii cod bata uu ku guulaysandoonaa guddoomiye ku xigeenka labaad.

Dhinaca kale, waxaa hadda socda doorashada wareegga saddexaad guddoomiye ku xigeenka koowaad ee barlamaanka oo ay isugusoo hareen xildhibaan Sacdiyo Salaad Samatar iyo Maxamed Cali Cumar (Caananuug).

Natiijada labada doorashada ayaa hal mar lagu dhawaaqidoona, si doorashada loosoo gabagabeeyo isla caawa si uu barlamaanku u yeesho guddoon rasmi ah.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]