4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 28, 2022
Wareegii koowaad ee tartanka doorashada guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka oo soo gabagaboowday
 

Khamiis, April, 28, 2022 (HOL) - Waxaa goordhaw si rasmi ah u soo gabagaboobay tirinta codeynta wareega koowaad ee doorashada guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya oo si toos ah uga socota Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho.

Doorashada Maanta ka socota Afisyooni ayaa dhameystir u aheyd middii Xalay saqdii dhexe lagu doortay guddoonka cusub ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya, waxaana wareega Koowaad ee guddoomiye ku xigeenka ku tartamay ilaa 10 Musharax, waxayna codadka u kala heleen sida hoose.

1: Mohamedweli Abdalla Axmed 59 Cod

2: Maxamad Cumar Caananuug 58 Cod.

3: Sacdiya Xaaji Yaasiin Samatar 52 Cod

4: Khadiijo Maxamed Diiriye 21 cod

5: Cabdikariin Cabdow Xeydar 15 Cod

6: Maxamad Cabdiqadir Jeego 12 Cod

7: Maxamad Nuur Abubakar Shariif Mustafa 5 cod

8: Cabdiraxman Cabduqaadir Cadde 8 cod

9: Siciid Maxamed Maxamud Xeyd 7 Cod

10: Maxamad Cumar Ceymoy 4 Cod

Wareegada labaad ee tartanka doorashada guddoomiye ku xigeenka koowaad ayaa waxaa u gudbaya afarta Musharax ee ugu codadka badan kuwaas oo kala ah Maxamedwali Cabdala Axmed, Maxamed Cumar Caananuug, Sacdiya Xaaji Yaasiin Samatar iyo Khadiija Maxamed Diiriye.

Wareega labaad ee doorashada gudoomiye Ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka waxaa ku tatami doona labada Musharax ee kala ah, Maxamed Cali Cumar Caanonuug iyo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, Kadib markii ay tanaasuleyn Musharaxiinta kala ah Khadiija Maxamed Diiriye iyo Maxamed Cabdalla Axmed Maxamuud oo ka mid ahaa 4-ta musharax ee ugu codka badnaa wareega koowaad.

Wareega labaad ee doorashada ayaa lagu wadaa in goordhaw ay bilaabato iyadoo marka ay soo gabagabowdana lagu xijin doono doorashada guddoomiye ku xigeenka labaad oo ay u taagan yihiin tartankeeda ilaa 7 Musharax.

Lasoco waxii kusoo kordha wararkan.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online