4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 28, 2022
Guddoomiye Dhabancad: Dalka waxaa maanta madaxweyne iyo raysal wasaare ka ah guddoomiye Sheikh Aadan Madoobe
 

Khamiis, April, 28, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha kumeel gaarka ah ee barlamaanka Soomaaliya, Cabdisalaan Dhabancad ayaa sheegay in guddoomiyaha cusub ee barlamaanka uu haatan yahay shakhsiga ay saaran tahay masuuliyadda ugu sarreysa ee dalka.

Guddoomiye Dhabancad wuxuu sheegay dhibaato badan kadib inuu dalku yeeshay dowlad cusub, isagoo xildhibaannada uga mahad celiyay sida ay dalka uga badbaadiyeen xaaladdii uu ku jiray iyo dulqaadkii ay u muujiyeen caqabadihii kasoo gaaray doorashadii xalay lagu doortay guddoomiyaha barlamaanka.

“Xildhibaannadu waa ku mahadsan yihiin, hambalyaan udirayaa. Waxaa la yiri dalka hala badbaadiyo, annaguna wixii nagu dhacay waan u bareernay, haddana waan soo afjaraynaa inta aan qoraxdu noo dhicin,” ayuu yiri Dhabancad.

Doorashada guddoomiye ku xigeennada koowaad iyo labaad ee barlamaanka ayaa hadda doorashadoodu ka billaabanaysaa xerada afisyooni. Waxaana iskusoo taagay tiro musharraxiin ah.

Doorashadan ayaa sidoo kale la filayaa inay noqoto mid uu loolan adag ku dhexmaridoono musharraxiinta kala taabacsan dhinacyada siyaasada isagoo horjeeda, kuwaas oo si aad ah ugu loolamay doorashada guddoomiyaha barlamaanka Soomaaliya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]