4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 28, 2022
Farmaajo iyo Rooble oo ka hadlay Doorashada Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka
 

Khamiis, April, 28, 2022 (HOL) - Madaxweynaha mudo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo loo doortay Xilka guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha oo tilmaamay muhiimadda ay dalka u leedahay dhamaystirka doorashada guddoonka Golaha Shacabka ayaa bogaadiyey hannaanka dimuqraadiyadeed ee geeddi socodka siyaasadda dalka oo aas aas u ah xasiloonida iyo horumarka dowladnimada Soomaaliya.

"Waxaan hambalyo u dirayaa Guddoomiyaha Cusub ee Golaha Shacabka Mudane Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) Guddoonka Cusub waxaa hortaalla masuuliyad taariikhi ah oo ay ka sugayaan shacabka Soomaaliyeed, taas oo saldhig u ah horumarka dowladnimada, adkeynta guulaha la gaaray sannadihii la soo dhaafay iyo xaqiijinta hiigsigeenna Qarannimo" ayuu yiri madaxweyne Farmaajo

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku ammaanay Xildhibaannada cusub iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed dulqaadka ay ku wajaheen hanaanka doorashooyinka dalka oo soo maray marxalado kala duwan, isaga oo ku bogaadiyey laamaha ammaanka Soomaaliyeed sida ay habeen iyo maalinba ugu taagnaayeen xaqiijinta amniga doorashooyinka.

Dhinaca kale Raysal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo Xalay lagu doortay magaalo madaxda dalka ee Muqdisho.

"Caawa waa habeen taariikhi ah oo umadda Soomaaliyeed sugayeen in muddo ah  qeyb muhiim ahna ka ah dhammeystirka geeddi-socodka doorashada dalka.Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka  waxaan u rajeynayaa in uu eebbe u fududeeyo mas’uuliyadda culus ee loo doortay iyo in doorashada madaxweynaha dalka u maareeyaan si daah-furan, deg deg ah oo nabdoon, mas’uuliyaddaas oo ay la wadaaagaan guddoonka Aqalka Sare oo isagana la doortay" ayuu yiri Raysal wasaare Rooble.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online