4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 27, 2022
Wareegga koowaad ee doorashada guddoomiyaha barlamaaanka oo lasoo gabagabeeyay
 

Arbaco, April, 27, 2022 (HOL) - Wareegii koowaad ee doorashada guddoomiyaha barlamaanka Soomaaliya ayaa hadda lasoo gabagabeeyay, iyadoo wareegga labaad ay ugudbayaan afarta musharrax ee ugu codadka badan doorashada.

Afarta musharax ee helay codadka ugu badan ayaa waxay kala yihiin, Xasan Cabdi Nuur oo helay 97 cod, Sheikh Aadan Madoobe oo helay 74 cod, Cabdillaahi Black oo helay 33 cod iyo Aadan Saransoor 23 cod.

Wareegga labaad ayaa waxaa ku tartamidoona afartan musharax haddii uusan jirin musharrax ku tanaasulaya.

Natiijada Doorashada Guddomiyaha Golaha Shacabka Wareega Kowaad

 1:Xasan Abdinur 98 cod

2: Shiekh Adan Madobe 74 cod

3. Abdullaahi Black 33 cod

4: Aadan Saransoor 23 cod.

5: Sharif Mohamed Cabdalla 13 Cod

6:Aadan Saransoor 23 cod

7: Abdirashid Xiddig 6 cod

8. Saadiq Cabdillaahi Cabdi 5 cod

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]