4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 27, 2022
Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo labadiisa ku xigeen oo Maanta ka dhaceysa Magaalada Muqdisho
 

Arbaco, April, 27, 2022 (HOL) - Waxaa Maanta oo Arbaca ah lagu wadaa in Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho ay ka dhacdo doorashada guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dalka iyo labadiisa kuxigeen.

Guddiga doorashada guddoonka Golaha Shacabka ayaa horay u asteeyay in Maanta oo taariiqdu tahay 27-ka bisha Apriil ay Xildhibaanada Baarlamaanka doortaan guddoomiyaha Golaha iyo labadiisa ku xigeen oo ay isku soo sharaxeen 25 Musharax.

Amaanka xarunta Teendhada Afisiyooni ayaa si weyn loo adkeeyay Maanta, waxaana wadooyinka gala loo diidayaa dadka iyo gaadiidka, hoolka doorashada ka dhaceyso waxaa ku sugan Ciidamo gaar ah loo diyaariyay baarista goobta iyo dadka tagaya.

Ilaa sideed Musharax ayaa u taagan qabashada xilka guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ayaa kala ah, Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed (Xidig), Xildhibaan Cabdullaahi Aadan Axmed (Black), Xildhibaan Aadan Maxamed Nuur Saransoor, Xildhibaan Xasan Cabdi Nuur, Xildhibaan Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Xildhibaan Saadiq Cabdullaahi Cabdi, Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).

Doorashada guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad marka ay qabsoonto, waxaa xigi doonta doorashada guddoomiye ku xigeenka 1-aad iyo guddoomiye ku xigeenka labaad, waxaana xilka guddoomiye ku xigeenka koowaad ku tartami doona ilaa 10 Musharax, halka ku xigeenka 2-aad ay ku tartami doonaan ilaa  7 Musharax.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online