Talaado, April, 26, 2022 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay ficillo is daba joogga ah ee lagu carqaladeynayo habsami u socodka doorashooyinka.
newsinsideRaysal Wasaare Rooble ayaa sheegay ficilladaas inay kamid yihiin isku daygii shalay lagu beegsaday Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka iyo 16-kii xildhibaan ee lagu doortay magaalada Ceelwaaq.
Rooble waxa uu uga digay taliyeyaasha Ciidammada Booliska iyo Nabad Sugidda in ay ku lug yeeshaan falalka lagu carqaladeynayo habsami u socodka doorashada oo heer gebogebo ah mareysa.
Rooble oo khadka telefoonka kula hadlay Guddoomiyaha KMG ee Golaha Shacabka ayaa ku bogaadiyay sida labada guddoomiye ee labada aqal u wadaan howsha doorashada, kuna dhiirrigeliyay in ay waajibaadkooda gutaan.
Shalay ayay ahayd markii guddoomiyaha KMG ah ee golaha shacabka uu sheegay in lagu soo weeraray hotel kuyaala Airport-ka, halkaas oo lagu dhaarinayay xildhibaannada lagu soo doortay magaalada Ceelwaaq.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]
[email protected]