7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 24, 2022
Kursi ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka oo Maanta lagu doortay magaalada Jowhar
 

Axad, April, 24, 2022 (HOL) -  Guddiga hirgelinta doorashada maamulka Hirshabeelle ayaa Maanta ku qabtay magaalada Jowhar kursi ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dalka Soomaaliya, kaasoo deegaan doorashadiisa tahay magaalada Jowhar.

Kursiga doorashadiisa la qabtay ayaa ah HOP 009, waxaana ku wada tartamay Musharaxiinta kala ah Cali Xasan Ibraahin iyo Cabdisataar Cabdisalaan Xasan Barsame, waxaana kusoo baxay doorashada kursiga Cali Xasan Ibraahin oo helay 67 cod, halka Musharaxii kale Cabdisataar Cabdisalaan uu helay 33 cod, waxaana halaabay hal cod kaliya.

Maamulka Hirshabeelle waxaa haatan ku harsan doorashada sadax kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka, kuwaas oo ay afartii sano ee lasoo dhaafay ay ku fadhiyeen Cabdullaahi Maxamed Nuur oo haatan ah wasiirka amniga Xukuumadda Soomaaliya, Abuukar Isloow Ducaale oo isna horay usoo noqday wasiirka amniga iyo kursigii ay dhawaan ka geeriyootay Marxuumad Aamina Maxamed Cabdi.

Hirshabeelle waa maamulka kaliya ee aanan wali soo gabagabeynin doorashada kuraasta Golaha Shacabka, iyadoo maamulada kale ee dalka ay dhamaantood soo afjareen doorashada kuraasta Golaha Shacabka, islamarkaana 27-ka bishaan ay ku beegan tahay doorashada Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online