7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 24, 2022
Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar: Sababo ammaan awgeed doorashada guddoonka golaha shacabka laguma qaban karo villa Hargeysa
 

Axad, April, 24, 2022 (HOL) - Guddiga Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka ayaa qorsheynaya inay doorashada guddoonka barlamaanka ku qabtaan meel aan ahayn Villa Hargeysa.

Guddoomiyaha guddiga doorashada ayaa sheegay in sababo ammaan awgeed aan doorasho loogu qaban Karin xarunta barlamaanka, isagoo tusaale usoo qaatay hoobiyayaashii dhowaan lagusoo tuuray xarunta barlamaanka.

Guddoomiyaha gudddiga, Cabdirisaaq Cumar Maxamed waxa uu sheegay in qaboojiyaha barlamaanka lagu dhuftay xabbad, taasoo uu sheegay inay ka dhalatay kulayl darran oo aan la xamili karin in lagu shaqeeyo golaha.

Wuxuu sheegay guddi ahaan inay dedaal xooggan geliyeen sidii loo baddeli lahaa haanta Gaaska Qaboojiyaha ee Xabadda ku dhacday si aanay u baaqan hadal jeedinta musharixiinta Guddoonka Golaha Shacabka.

“Sida ay wax u dhaceen in ay ula kac ahayd iyo in ay wiifto ku dhacday labaduba ma sheegi karin, balse markii aan tagnay xarunta ayaa naloo sheegay in xabad ay ku dhacday Qaboojiyaha, maalintii dhawaydna hoobiye ayaa kusoo dhacay xarunta golaha,” ayuu yiri Cabdirisaaq Cumar.

Lama oga halka lagu qabandoono doorashada guddoonka barlamaanka oo ku beegan saddex cishe kadib sida jadwalka doorashada ku qoran.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online