4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 23, 2022
Dowladda Kenya oo safiir cusub usoo magacowday Soomaaliya
 

Sabti, April, 23, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa u magacaabay Maj Gen Thomas Chepkuto inuu noqdo safiirka cusub ee dalka Kenya uqaabilsan Soomaaliya.

Danjire Chepkuto ayaa ka mid ahaa 24 safiir iyo saraakiil sare oo loo xilsaaray inay dalka Kenya u metelaan dalal kala duwan.

Safiirka Kenya ee Soomaaliya Chepkuto waxa uu hore u ahaa Agaasimaha Guud ee Hay’adda Hawada Sare ee Kenya illaa 29ka Juun 2021.

Chepkuto waxa uu bedeli doonaa Lucas Tumbo oo xilkan hayay tan iyo 2015kii.

Labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa dib u soo celiyay xiriirkooda diblomaasiyadeed sanadkii hore ka dib muddo bilo ah oo xiriirkooda uu xumaa.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Kenya ayaa sidoo kale Benson Mwaliko u magacaabay inuu madax ka noqdo qunsuliyadda Kenya ku leeyahay magaalada Hargesia.

Magacaabida Kenyatta ayaa kusoo aadeysa, 109 maalmood ka hor inta uusan xilka ka degin madaxweyne Kenyatta oo muddo 8 sano ah dalkaas maamulayay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online