6/28/2022
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 23, 2022
Guddiga Hirgelinta Doorashada Jubbaland oo Maanta soo gabagabeeyay Dorashada kuraastii ku dhineyd Jubbaland
 

Sabti, April, 23, 2022 (HOL) - Guddiga doorashooyinka maamulka Jubbaland ayaa Maanta oo Sabti ah soo gabagabeeyay doorashada 16-kursi oo ku harsaneyd deegaan doorashada labaad ee maamulka Jubbaland

Kursiga koowaad ee doorashadiisa Maanta la qabtay ayaa ah HOP 122, waxaana ku tartamay Musharaxiinta kala ah Mursal Maxamed Khaliif iyo Cumar Muxumed Buulle, waxaana kusoo baxay doorashada kursiga Mursal Maxamed Khaliif.

Doorashada kursiga HOP 122, waxaa goobta ay ka dhaceysay ku sugnaa madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulka Jubbaland.

Kursiga labaad ee sumadiisu tauay HOP 110, waxaa kuwada tartamayay musharaxiinta kala ah Maxamed Muxumed Maxamed iyo Khadar Axmed Adan, waxaana ku guuleystay kursiga Maxamed Muxumed Maxamed.

Kursiga sadaxaad ee HOP131 waxaa ku tartamay Axmdd Cismaan Ibraahin iyo Aadan Gaarane Cabdullaahi, waxaana kusoo baxay kursiga sida guddiga doorashada Jubbaland ay shaaciyeen Axmed Cismaan Ibraahin.

Kursiga  afaraad oo tirsigiisu yahay HOP123 ayaa waxaa ku tartamay Musharaxiinta kala ah Faadumo Faarax Aadan iyo musharax Sacdiyo Cabdullaahi Shire, waxaana ku guulaysatay tartanka kursiga Faadumo Faarax Aadan.

Kursiga shanaad oo ahaa kursiga ugu dambeeyay doorashada Maanta ka dhacday Ceelwaaq oo tirsigiisu yahay HOP125, waxaa kusoo baxay Cabdirashiid Maxamed Ducaale, kadib markii uu tanaasulay Maxamed Aadan Xasan oo la tartami ahaa.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ayaa doorashada kadib waxa uu sheegay iney Maanta soo gabagabeeyeen doorashooyinkii kuraasta ku harasaneyd Jubbaland, isagoona u rajeeyay shacabka Soomaaliyeed Baarlamaan wanaagsan iyo dowlad ku dhisan Cadaalad.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online












Click here
4/23/2022 4:09 PM EST
Sabti, April, 23, 2022 (HOL) - Dhinaca kamid ah guddiga heer federal ee doorashooyinka Soomaaliya ayaa caawa magaalada Garbahaareey ee caasimadda gobolka Gedo ka bilaabay doorashada 16ka kursi ee aqalka hoose ee yaala Gedo.

4/23/2022 1:17 PM EST
Sabti, April, 23, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Benson Mwaliko u magacaabay qunsulka cusub ee dowladda Kenya u joogi doona magaalada Hargeysa ee Somaliland.

4/23/2022 9:33 AM EST
Sabti, April, 23, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa u magacaabay Maj Gen Thomas Chepkuto inuu noqdo safiirka cusub ee dalka Kenya uqaabilsan Soomaaliya.

4/23/2022 5:21 AM EST
Sabti, April, 23, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka dadban ee dalka Maxamed Cawil Warsame ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay doorashooyinka ka socda degmooyinka Ceelwaaq iyo Garbahaareey.

4/23/2022 5:14 AM EST
Sabti, April, 23, 2022 (HOL) - Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in sare u kaceyso gaajada ka jirta Soomaaliya ee ay abaaruhu sababeen, iyadoo sheegtay in ka badan lix milyan oo qof inay hadda soo food saartay cunto yari ba'an.

4/23/2022 2:33 AM EST
Sabti, April, 23, 2022 (HOL) - Xildhibaanada labada Aqalka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta sabti ah kulan ku yeelanaya magaalada Muqdisho, waxayna dhageysanayaan hadal jeedinta musharaxiinta guddoonka labada ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

4/23/2022 1:37 AM EST
Sabti, April, 23, 2022 (HOL) - Ugu yaraan Lix qof ayaa ku dhintay qarax ismiidaamin ah oo xalay ka dhacay maqaayad ku taal xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, sida uu sarkaal ka tirsan adeegga ambalaasta u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters.