4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 23, 2022
Qaramada Midoobay oo sheegtay in 6 milyan oo qof oo Soomaali ah ay soo food saartay cunto yari ba’an
 

Sabti, April, 23, 2022 (HOL) - Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in sare u kaceyso gaajada ka jirta Soomaaliya ee ay abaaruhu sababeen, iyadoo sheegtay in ka badan lix milyan oo qof inay hadda soo food saartay cunto yari ba'an.

Afhayeenka Qaramada Midoobay, Eri Kaneko, ayaa sheegtay in nafaqo-xumada ba'an ee carruurta ay sidoo kale ay kor u kacday, taasoo gaartay heer masiibo ah degmooyin ka tirsan gobollada Koonfurta Soomaaliya.

“Illaa 1.4 milyan oo carruur ah ayaa sanadkan wajahaya nafaqo-xumo aad u daran. 45 ka mid ah 74-ta degmo ayaa waxay qabaan heerar nafaqa-darro ba'an oo caalami ah oo ka sarreeya 15 boqolkiiba, ayay tiri Eri Kaneko.”

Sida ay sheegtay Eri Kaneko, tirada dadka ay saamaysay abaarta ba'an ee Soomaaliya waxay kor uga kacday 4.9 milyan bishii Maarso, waxayna gaartay 6.1 milyan bishii Abriil, iyadoo ku dhawaad 760,000 oo qof ay ka barakaceen guryahoodii iyagoo raadinaya biyo, cunto iyo baad.

Afhayeenka Qaramada Midoobay waxay  sheegtay tan iyo bishii Jannaayo, la-hawlgalayaasha bani'aadamnimada ay gaareen ku dhawaad 2.6 milyan oo qof oo dalka ku nool oo la gaarsiiyay gargaar naf-badbaadin ah.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online