4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 23, 2022
Khasaaraha ka dhashay weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho oo sii kordhaya
 

Sabti, April, 23, 2022 (HOL) - Ugu yaraan Lix qof ayaa ku dhintay qarax ismiidaamin ah oo xalay ka dhacay maqaayad ku taal xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, sida uu sarkaal ka tirsan adeegga ambalaasta u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters.

Booliiska Soomaaliya ayaa xalay sheegay in qaraxan ay ku geeriyoodeen saddex qof oo isugu jira askar iyo shacab iyo dhaawaca shan kale.

"Ilaa hadda waxaan qaadnay lix qof oo dhintay iyo toddobo kale oo dhaawac ah," Cabdiqaadir Cabdiraxmaan, Agaasimaha Adeegga Ambalaasta Aamin ayaa yiri.

Maqaayada Pescatore Seafood, oo ah goobta weerarka lala beegsaday ayaa dhawaan laga furay Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho, waxaana inta badan ku caweeya Saraakiisha ammaanka iyo siyaasiyiin.

Weerarkan ayaa ku soo beegmay xilli todobaadyadii la soo dhaafay ay sii kordhayaan qaraxyada iyo weerarada ka dhacaya Soomaaliya.

24-kii Maarso, xildhibaannad ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka mid ahayd in ka badan 40 qof oo lagu dilay laba qarax oo ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Beledweyne, ee bartamaha Soomaaliya.

18kii Abriil, 7 qof ayaa ku dhaawacantay hoobiyeyaal lagu weeraray baarlamaanka Soomaaliya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online