4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 22, 2022
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo ku eedeeyay weerarkii Xalay lagu qaaday inuu ka dambeeyay Taliyaha Booliska Puntland ee gobalka Mudug

Jimco, April, 22, 2022 (HOL) - Inta la xaqiijiyay hal askari ayaa ku dhintay sadax kale oo uu ka mid yahay taliye ku xigeenka qeybta Booliiska gobolka Mudug ee maamulka Puntaland dhaawacyo ayaa kasoo gaaray weerar xalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Weerarka ayaa la sheegay inuu ka dhacay guri ay ku shirayeen wasiirka arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali, siyaasiyiiin iyo Nabdoono kale, waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in weerarka uu ku dhaawacmay Nabadoon Yaasiin Cabdisamad oo ka mid ahaa waxgaradka shirka lalaha wasiirka xiliga uu weerarka dhacay.

Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali oo ka hadlay weerarka xalay lagu qaaday ayaa ku eedeeyey Taliyaha Booliiska gobolka Mudug ee Puntland inuu weerar kusoo qaaday goob ay kaga afurayeen magaalada Gaalkacayo, hayeeshee Taliyaha Booliiska gobolka Mudug ee maamulka Puntland ayaa dhankiisa beeniyay eedeynta kaga timid wasiir Cabdisaciid Muuse ee ku aadan inuu ka dambeeyay weerarkii Xalay.

"Waxaan shalay gaaray Magaalada Gaalkacyo si aan waqti ula qaato qoyskayga maalmihii ugu dambeeyay ee bisha barakeysan ee Ramadaan. Fiidnimadii caawa aniga iyo qoyskayga waxa aanu la afureynay Nabadoon Yaasiin Cabdisamad. Waxa aanu gurigayagii ka soo baxnay annagoo lugaynayna, iyadoo ay ila socdaan afar ilaalo ah iyo laba sarkaal oo dhar-cad ah. Ilaalada waxay fashiliyeen isku daygii dil ee siyaasadaysan. Nasiib darro, hal askari ayaa si murugo leh loo dilay Allaha u naxariisto, mid kalena waa la dhaawacay. Nabadoonka ayaa sidoo kale waxaa soo gaaray dhaawac culus oo hadda la dhigay isbitaal. Waxaan u rajaynaynaa soo kabasho degdeg ah. Waxaana kula xisaabtami doonnaa dhammaan kuwa ku lugta leh” ayuu yiri wasiir Cabdisaciid Muuse.

Weerarka xalay dhacay ayaa kusoo beegmay saacado uun kadib markii guddiga amniga gobolka Mudug ee maamulka Puntland ay soo saareen digniin culus oo lagu mamnuucayo shirarka siyaasadeysan ee lagu qabanayo gobolka Mudug.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online