4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 21, 2022
Hoggaamiyaha TPLF " Dulqaadkii ayaa naga dhammaan raba"
 

Khamiis, April, 21, 2022 (HOL) - Hoggaamiyaha TPLF Debrtsion oo warqad udiray Qaramada midoobay, ayaa waxa uu sheegay in Shacabka Tigray aysan wali helin waxyaabo badan oo kamid ah nolosha aasaasiga ah, sida Biyaha, Korontada iyo waxyaabaha lamidka ah.

Debretion waxa kale oo uu sheegay in shacabkoodu haysato macaluul middii u darnayd, dowladduna aysan wali arrimahaas aysan waxba ka qaban, oo ay xaaladda sidaas ku daawanayso.

Sidoo kale Debretsion waxa uu xusay in ka bixitaankoodii ay ka baxeen dhulkii ay haysteen, ay ahayd mid lagu doonayay in wax lagaga qabto dhibaatooyinka kala duwan ee ka jiray gudaha Tigray, balse wali wax la qabtay aysan jirin, sidaas darteed intaa in ka badan aanan dulqaadan doonin, waa siduu hadalka u dhigay Debretsion Hoggaamiyaha TPLF.

Gobolka Tigray ayaa wali u muuqda mid aan kasoo kaban colaaddii uu keenay dagaalkii mudada dheer halkaa kasocday, dowladda ayaa dhankeeda waxay sheegtay in gargaar kala duwan la gaarsiiyay Gobolka Tigray.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]