4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 21, 2022
Taliye Xijaar "Ciidanka Booliiska habeen walba laba ama sadax askari ayaa laga dilaa"
 

Khamiis, April, 21, 2022 (HOL) - Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Jenaraal Cabdi Xasan Xijaar oo ka hadlaayay dilalka ay geystaan ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in ciidanka Booliiska dilalka ay geystaan ay ka badan tahay dilalka ayaga loo geysto.

Taliye Xijaar ayaa sheegay in askarta Booliiska Soomaaliyeed iyaga habeen walba laba ama sadax askari laga dilo, xiliyada ay ku guda jiraan howlgalada ay kula dagaalamayaan tuugada hubeysan ee ku sugan gudaha magaalada Muqdisho, iyadoona aysan jirin cid sheegta dilalkaasi, hayeshee marka ay iyaga dil geystaan si weyn loo buunbuuniyo.

“habeenkii ay ugu yar tahay labo illaa saddex askari oo ka tirsan ciidamada booliiska ayaa la dila, haddii Booliisku xabada kala hormaro ay dilaan tuugga, waxaa magaalada oo dhan la isla dhex marayaa Booliiska ayaa qof dilay, Taleefano dhacayay, Baabuur buu dhacayay, haddii aad u tagna xabad buu kugu ridaya” ayuu yiri taliye Xijaar.

Waxuu intaasi ku daray Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed in askarta Booliiska ay ku shaqeeyaan marxalado adag oo u baahan in qof walba uusan fahmi karin, isagoona sheegay in sadaxdii bilood ee lasoo dhaafay xaalada Muqdisho aheyd mid wanaagsan, islamarkaana ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ay ka go'an tahay sidii ay u hagaajin lahayeen amaanka guud ee dalka, gaar ahaana kan magaalada Muqdisho.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online