4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 20, 2022
Madaxweynaha Somaliland Oo Qaabiley Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya

Arbaco, April, 20, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Kate Foster, ayaa kala hadlay xaalada suuqii gubtay ee Hargaysa, iyo taakulaynta abaaraha.

Waxaana Kulankaa lagaga wada hadlay qodobo ay ka mid ahaayeen sidii dawladda Ingiriisku guud ahaan Somaliland uga taageeri lahayd masiibadii gubashadii suuqa waaheen iyo sidii ay uga qaybqaadan lahaayeen taakulaynta abaaraha dalka ka jira" ayaa lagu yidhi warbixin kulanka laga soo saaray.

Madaxweynaha ayaa sida warbixinta lagu sheegay dhankiisa safiir Foster uga mahadceliyay, garab istaaga ay dowlada Ingiriisku u muujisay shacabka Somaliland kadib dhacdadii gubashada suuqa Waheen ee Hargaysa.

Hadaba Foster oo ay wehelinayso wakiilka Ingiriiska ee Somaliland Lizzie Walker, oo qaybo kamid ah warbaahinta kulan kula qaadatay hoteelka Ambasaddor ee Hargaysa, ayaa sheegtay in u jeedada kowaad ee ay Somaliland u timid ay tahay u xogogaal noqoshada xaalada saxafiyiintii lagu xidhay Hargaysa.

Foster ayaa warbaahinta u balan qaaday in ay kala shaqayn doonto sidii xukuumada Somaliland loogu riixi laha in ay ixtiraamto madaxbanaanida warbaahinta, iyo sidii tababaro sharci iyo xirfadeed loo siin lahaa saxafiyiinta iyo booliiska, si dhinac waliba u barto xuquuqdiisa iyo xuquuqda dhinaca kale.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online