4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 20, 2022
Maxakamadda Sare ee Dalka oo Go'aan rasmi ah ka gaartay Qaadista Dacwada Fahad Yaasiin
 

Arbaco, April, 20, 2022 (HOL) - Maxkamada Sare ee dalka ayaa goordhaw Laashay kiiska dacwada uu Fahad Yaasiin Xaaji Daahir kasoo gudbiyay guddiga hirgelinta doorashooyinka heer Fedaraal ee FEIT, kaasoo ku saabsana doorashada kursigii uu u tartamay ee HOP 086.

Garsoorayaasha Maxakamada Sare ayaa sheegay in Maxkamadda Sare ay iska diiday qaadista dacwada uu Fahad Yaasiin ka gudbiyay guddiga FEIT, iyada oo sheegtay ineysan awood u laheyn qaadista dacwada iyo garnaqsiga cabashooyinka la xariira doorashada dadban ee Baarlamaanka 11-aad ee dalka.

Go'aankaan kasoo baxay Maxakamada Sare ee dalka ayaa waxaa si wadajir ah  saxiixay sadaxda garsoore ee kala ah guddoomiyaha Maxkamada sare Baashe Yusuf Axmed, garsoore Cabdicasiis Maxamed Yuusuf iyo garsoore Saalax Sheekh Ibraahin, kuwaas oo shalay dhageystay kiiska dacwada kursiga HOP O86 oo ay maanta soo xirtay feylkiisa.

Kursigaan Maanta ay go'aanka ka gaartay Maxkamada ayaa waxaa 20-kii bishii Febraayo ee sanadkaan 2022, Baledweyne doorasho ka dhacday kusoo baxay Fahad Yaasiin oo ah lataliyaha madaxweynaha mudo xileedkiisa dhamaaday, walow guddiga doorashooyinka heer Fedaraal arintaasi ku gacan sayrtay kadib markii ay sheegeen inaan doorashada kursiga loo marin habraacii saxda ahaa ee doorashada.

Hoos ka akhriso Go'aanka Maxkamada Sare kasoo baxay:-


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online