4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 20, 2022
Garab katirsan guddiga doorashada oo wacad ku maray inay Garbahaareey ku qabanaayan doorashada 16 ka kursi
 

Arbaco, April, 20, 2022 (HOL) - Garab katirsan guddiga doorashada heer federal iyo guddiga xallinta khilaafaadka oo shalay tagay magaalada Garbaaheerey ayaa sheegay inay fulinayaan heshiiska doorashada 16 ka kursi ee taala gobolka Gedo.

Guddigaan ayaa sheegay inay sharci darro tahay go’aan 14 kii bishaan kasoo baxay guddoomiyaha guddiga doorashada, kaas oo sheegay in doorashada Garbahaareey loo wareejiyay magaalada Ceelwaaq.

"Go'aankaas ma ahayn mid loo wada dhan yahay. Wuxuu ahaa ku tagrifal awoodddeed oo FIET. Anagana waxaan ilaalinaynaa hannaanka iyo hufnaanta doorashada loo iclaamiyay," ayuu yiri mid kamid ah xubnaha guddiga doorashada.

Guddigan tagay magaalada Gabahaareey ayaa waxay sheegeen in aanay jirin cid wax ka beddeli karta sharciyada doorashada, iyadoo aan golaha wadatashigu ka farriisan arrintaas.

Waxay kaloo sheegeen inay diyaariyeen goobihii lagu qaban lahaa doorashada kuraasta aqalka hoose e Garbahaareey. Waxayna ugu baaqeen inay kasoo qeyb galaan cid kasta oo danaynaysa doorashada.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online