4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 20, 2022
Axmed Karaash oo ka hadlaya xaaladda Puntland maalin kadib markii Madaxweyne Deni uu aaday Muqdisho
 

Arbaco, April, 20, 2022 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland Axmed Karaash ayaa sheegay inuu sii dayndoono warbixin ku saabsan xaaladda guud ee Puntland.

Hadalka madaxweyne  ku xigeenka ayaa kusooo aadaya, maalin kadib markii madaxweynaha Puntland Siciid Deni uu Muqdisho u aaday doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweyne Deni oo Muqdisho ku sugan ayaa xalay magacaaabay xubno cusub oo katirsan golihiisa wasiiradda, sida wasiirka warfaafinta, arrintaas oo dhalisay hadal hayn badan oo siyaasadeed.

Magacaabidan ayaa horseedi karta khilaaf horeyba u jiray oo ku saabsanaa in madaxtooyada Puntland ay hoos u dhigayso meeqaamka madaxweyne ku xigeenka ku leeyahay talada iyo go'aamada Puntland.

Siyaasiyiin reer Puntland ah ayaa madaxweyne Deni ugu baaqay inuu iscasilo oo uu xilka ku wareejiyo ku xigeenkiisa, laakiin waxaa ka horyimid wasiirka maaliyadda Puntland oo saaxiibada dhow ee Deni.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online