4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 18, 2022
Abwaan aad uga hadli jiray arrimaha siyaasada oo Muqdisho lagu dilay
 

Isniin, April, 18, 2022 (HOL) - Koox ku hubaysan bistoolado ayaa magaalada Muqdisho ku dilay Allaha u naxariistee Abwaan Bedel Jaamac Xirsi, oo kamid ahaa abwaanada Soomaaliyeed ee ku noolaa Muqdisho.

Dilkiisa ayaa dhacay xilli uu Abwaanka ka soo baxayay Masaajid ku yaalla degmada Kaxda oo salaadii Makhrib uu ku soo dukaday.

Lama garanayo sababta loo dilay iyo cidda dilkiisa ka  dambeysa. Waxaana kooxda dilkiisa fulisay ay markiiba ka baxsadeen goobta uu falku ka dhacay.

Marxuumku wuxuu caan ku ahaa ka hadlida arrimaha siyaasada ee taagan gaar ahaan wuxuu aad u dhaliili  jiray siyaasiyiinta mucaaradka.

Wuxuu maalmo ka hor u ololeynayay in lasii daayo kursiga Fahad yaasiin, isagoo raysal wasaare Rooble ugu baaqay inuu kursigaas fasaxo.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online