4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 18, 2022
Khasaare ka dhashay Hoobiyeyaal lagu weeraray xarunta Villa Hargeysa iyo Al-shabaab oo sheegatay
 

Isniin, April, 18, 2022 (HOL) - Tiro madaafiic ah ayaa lagu garaacay agagaarka xarunta Villa Hargeysa oo ay Maanta kulankoodii ugu horeeyay si wadajir ah ugu yeelanayeen labada Gole ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in hoobiyeyaasha qaarkood ay ku dhaceen afaafka hore ee xarunta Villa Hargeysa, xili ay si toos ah u socotay dooda mudanayaasha labada Gole, waxaana la soo wariyay in dooda ay istaagay markii madafiicda ay kuso dhaceen meelaan ka fogeyn dhismaha xarunta Villa Hargeysa.

Waxaa sidoo kale lasoo shesgaya in ilaa laba ruux oo ka mid ah shaqaalaha Baarlamaanka iyo askar ay ku dhaawacmeen madaafiicda lagu garaacay xarunta Villa Hargeysa.

Dagaalyahanada Al-shabaab oo sheegatay masuuliyada weerarka madaafiicda ah ee lagu qaaday dhismaha xarunta Villa Hargeysa ayaa waxay sheegeen in hoobiyeyaasha mid ka mid ah uu ku dhacay albaabka laga galo dhismaha, islamarkaana uu geystay khasaare walow aysan sheegin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka madaafiicda ah.

14-kii bishaan ayay aheyd markii Al-shabaab sidaan oo kale tiro madaafiic ah ay ku weerareen Teendhada Afisyooni oo ay ka socotay munaasabad lagu dhaarinaayay Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka 11-aad ee dalka, walow aysan madafiicdaasi aysan ku dhicin gudaha xerada Afisyooni oo aysan geysan wax khasaare ah.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online