4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 17, 2022
Afhayeen Buuni: Xildhibaanada xisbiga Waddani waxay caadaysteen wax ka sheega ciidamada
 

Axad, April, 17, 2022 (HOL) - Xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye, ayaa qaar kamid ah xildhibaannada golaha wakiilada ugu jira xisbiga Waddani ku eedeeyay in ay caadaysteen, wax ka sheega iyo u gacan qaadka ciidanka.

Afhayeenka xisbiga Kulmiye Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in xildhibaanada kasoo jeeda xisbiga Waddani, ay caado ka dhigteen ka been abuurka, iyo wax ka sheega ciidanka.

"Xildhibaanadii la doortay 31, May, 2021, khaasatan xildhibaanada kasoo baxay xisbiga Waddani, waxay caado ka dhigteen, wax ka sheega, ka been abuurka, gacan u qaadka, Ciidamada Qaranka Jamhuuriyada Somaliland" ayuu yidhi Buuni.

Buuni ayaa sheegay in xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun uu horay gacan ugu qaaday ciidamada booliiska, xili shaqaaqo ka dhacday xarunta golaha wakiilada, isla markaana ay ka sugayeen shirguddoonku in uu anshax mariyo lakin anay taasi dhicin.

Buuni oo hadalkiisa ula jeeday xildhibaan Maxamed Abiib oo shalay sheegay in taliyaha booliisku uu aflagaadeeyay, ayaa sheegay in ka xisbi ahaan ay aaminsanyihiin in sharcigu xaaraantinimeeyay wax ka sheega ciidamada.

"Waxa ay maraysa maanta in aflagaado toos ah loo gaysto madaxda ciidamada qaranka iyo saraakiisha, taliyayaashooda, taliye xigeenada iyo dablayda, iyo howlwadeenada kale ee ku sugan xarumaha ciidamada qaranka, waxaanu xisbi ahaan aaminsanahay in sida sharcigu u xaarantinimeeyay ay wax ka sheega ciidamada qaranku xaaraan u tahay" ayuu yidhi Buuni.

Afhayeen Buuni ayaa Golaha Wakiilada Somaliland usoo jeediyay, in ay talaabo ka qaadaan xildhibaannada uu ku eedeeyay in ay ku xadgudbeen sharafta ciidamada kala duwan.

Hadalka Buuni ayaa imanaya iyadoo maalintii  shalay uu xildhibaan Maxamed Abiib, Taliyaha Ciidanka Booliiska Somaliland Maxamed Aadan Saqadhi Dabagale ku eedeeyay in uu u hanjabay.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online