4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 17, 2022
Guddiyada Qabanqaabada Doorashada Guddoonadda Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare oo guddoomiyeyaal iska dhex doortay
 

Axad, April, 17, 2022 (HOL) - Guddiga qaban qaabada doorashada guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa iska dhex doortay guddoomiyaha iyo xoghayaha guddiga.

Xubnaha guddiga qabanqaabada doorashada guddoonka Golaha Shacabka iyo ku xigeenadiisa oo ka kooban 10 xubnood ayaa guddoomiyaha guddiga u doortay Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo helay 5 cod, iyadoo xoghayaha guddigana loo doortay Maxamed Abuukar Cabdi oo helay 4 cod.

Guddoomiyaha iyo xoghayaha Maanta la doortay ayaa shaaca ka qaaday iney si daacad ah ugu shaqeyn doonaan masuuliyada loo igmaday, isla markaana si deg deg ah u qaban doonaan doorashada guddoonka Golaha Shacabka iyo labadiisa ku xigeen.

Guddigaan ayaa looga fadhiyaa iney soo diyaariyaan jadwalka xiliga la qabanaayo doorashada guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya iyo labadiisa guddoomiye ku xigeen.

Dhinaca kale xubnaha guddiga qaban qaabada doorashada guddoonka Aqalka sare ayaa dhankooda shalay waxay iska dhex doorteen guddoomiyaha guddiga iyo ku xigeenkiisa.

Xubnaha guddiga ayaa Senator Aadan Cabdinaasir Maxamed waxay u doorteen guddoomiyaha guddiga doorashada Golaha Aqalka Sare, waxaana sidoo kale  Senator Samsam Daahir Maxamuud loo doortay guddoomiyaha diiwaan gelinta murashaxiinta guddoonka Golaha Aqalka Sare, halka Senator Farxaan Cali Xuseen loo doortay guddoomiyaha Maaliyadda Guddiga Doorashada Guddoonka Golaha Aqalka Sare.

Doorashooyinka guddoomiyaha ay kala doorteen guddiga qaban qaabada doorashada guddoonada Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare ayaa imaanaya iyadoo madaxda sare ee dalka ay ku baaqeen in la dadejiyo doorashada guddoonadda labada Aqal iyo ku xigeenadooda.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online