4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 17, 2022
Guddiga doorashada heer federal oo gaaray Jubbaland si ay ugu diyaar garoobaan doorashada Ceelwaaq
 

Axad, April, 17, 2022 (HOL) - Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT Muuse Geelle ayaa maanta soo gaaray Magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka ah ee Jubbaland.

Guddoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa halkaas u tagay korjoogtaynta doorashada16ka kursi ee deegaan doorashada labaad ee Jubbaland iyo sido kale kursi berri lagu qaban doono Magaalada Kismaayo ee summadiisu tahay HOP079.

Maamulka Jubbaland ayaa doonaya inuu si degdeg ah usoo gabagabeeyo doorashada ka dhacaysa magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, oo  maamulka jubbaland uu gacanta ku hayo.

Guddiga doorashada ayaa dhankooda waxaa ka go'an in Xilldhibannada Gedo ay ka qeyb qaataan doorashada guddoonka aqalka hoose, waxayna qorsheynayaan in hal maalin lagusoo afmeero doorashada Ceelwaaq ka dhacaysa.

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay inay doorasho xor iyo xalaal ah ku qaban doonaan magaalada Ceelwaaq.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa meesha ka saaray in doorashada Ceelwaaq lagu qabanayo ay tahay mid maamulka Jubbaland uu ku doonayo sidii uu ku boobi laha kuraasta halkaas la geeyay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online