4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 17, 2022
Faahfaahino kasoo baxaya Nabadoon Xalay lagu dilay magaalada Muqdisho
 

Axad, April, 17, 2022 (HOL) - Kooxo hubeysan ayaa Xalay magaalada Muqdisho waxay ku dileen Allah u naxariiste Nabadoon Yuusuf Daahir Kheyre oo ka mid ahaa Nabadoonada caanka ka ahaa magaalada Muqdisho.

Allah u naxariiste Nabdoonka ayaa ku geeriyooday Isbitaalka Erdogan ama Digfeer oo markii hore lagu geeyay dhaawac culus oo kasoo gaaray rasaastii ay la dhaceen dableyda hubeysneyd, taasoo sababtay inuu markii dambe u geeriyoodo.

Dableyda hubeysneyd ayaa Nabadoonka dhowr xabadood kaga dhufatay qeybaha sare ee jirkiisa, xili uu ku sugnaa xaafada NBC degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, waxaana si deg deg ah goobtii ugu baxsatay kooxdii dilka u geysatay nabadoonka.

Dilka kadib waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo halkaasi howlgalo ka sameeyay, walow aysan jirin cid ay usoo qabteen dilka loo geystay marxuum Yuusuf Daahir.

Lama oga cida ka dambeysay dilka Nabadoonka, hayeeshee waxaa la sheegay inuu nabadoonka ka mid ahaa ergadii dhawaan wax kasoo xushay Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka 11-aad ee dalka, kuwaas oo ay horay u sheegeen dagaalamayaasha Al-shabaab in xukunkooda uu yahay dil, xili ay ku hadalayeen arrimaha doorashada.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online