4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 16, 2022
Xukuumada Somaliland oo ka hadashay suxufiyiinta tirrada badan ee xidhan
 

Sabti, April, 16, 2022 (HOL) -  Xukuumada Somaliland, ayaa sheegtay in sharciga lala tiigsanayo wariyayaashii tabiyay dhacdadii Jeelka Wayn ee Hargaysa, iyadoo dhinaca kale sheegtay in ay ka xuntahay xadhiga suxufiyiinta.

Wasiirada wasaaradaha arrimaha gudaha iyo warfaafinta Somaliland Maxamed Kaahin Axmed iyo Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo warbaahinta si wada jir ah ula hadlay ayaa sheegay in cidii saxafiyiinta kamid ah ee danbi lagu helo lagu qaadi doono.

"Saxaafada wixii xidhan waxa loo mari doonaa wadada sharciga ah, iyadoo loo eegayo in dhalinyaro badani ay ku xidhantahay, waxaana la eegi doonaa sida sharcigu qorayo cida danbi gashay iyo cida aan danbi galin, cidii danbi gashayna way arki doonaan dadku" sidaa waxa yidhi wasiir Koore.

Koore ayaa sheegay in ay kaxunyihiin xadhiga saxafiyiinta lakiin qofkii danbi gala lagu qaadayo "Anaba waanu ka xunahay in dad tirrada leeg oo saxaafada ka shaqeeya la xidho, lakiin qofkasta oo muwaadin ah oo danbi gala danbigiisa waa lagu qaadaya".

Wasiir Kaahin ayaa dhankiisa sheegay in qof walba danbigiisa lagu qaadayo "Halkan waxan doonayaa in aan ka sheeko suxufiyiinta xidhan, oo aanu anaguba ka xunahay in mar qudha layidhaahdo tirro intaa leeg baa ka xidhan, in aan qofna danbi aanu lahayn loo samaynayn".

Tirro lagu qiyaasay 15 saxafi ayaa ku jirta saldhigyada booliiska Hargaysa, kadib markii ay xukuumadu ku qoonsatay habkii ay u tabiyeen qalalaase ay sameeyeen qaar kamid ah maxaabiista ku jirta Jeelka Wayn ee Hargaysa.



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online