4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 16, 2022
Taliyaha booliska Somaliland oo si adag ugu hanjabay xildhibaan Maxamed Abiib oo ka tirsan Golaha Wakiillada

Sabti, April, 16, 2022 (HOL) - Xildhibaan Maxamed Abiib oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa maanta sheegay in hanjabaad iyo baahdil uu kala kulmay taliyaha booliska Somaliland, Maxamed Aadan Saqadhi (Daba-Gale).

Xildhibaanka oo shir jaraa’iid ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in isaga iyo taliyaha uu muran ku dhex maray xarunta dambi baarista ee CID, kaddibna taliyaha uu ku yiri “Iska tag annagaa kuu gelineyna shaar kula eg, kaddibna naqaana halka aan ku geyn doono”.

Mudane Abiib ayaa is-weydiiyay halka taliyaha uu geyn doono, kaddibna raaciyay in taliyaha la weydiin doono haddii isaga la waayo.

Xildhibaanka ayaa sheegay in gelinkii dambe ee maanta uu tegay xarunta dambi baarista ee CID-da si uu usoo oggaado halka ay mareyso baarista dad laga soo xiray deegaan doorashadiisa iyo hoggaanka CID-da in uu ka codsado mid kamid ah wariyayaasha ku xiran saldhiga dhexe oo xanuunsanaya loo soo wareejiyo CID-da.

 “Markaan kasoo baxay xarunta waxaa iga horyimid taliyaha booliska iyo taliyaha RRU-da, kaddib taliyaha ayaa igu yiri: Maxaad kasoo doontay halkan, ma hooyadaa baa leh? Waxaan ugu jawaabay maya ee waxaa leh qaranka? Markaas ayuu iisii raaciyay adiga ma waxaad tahay qaranka? Waxaad cadow ku tahay Somaliland? Mana soo geli kartid xaruun uu leeyahay booliska”. ayuu ku sheegay shirkiisa.

Waxaa uu taliyaha ka codsaday in uu la yimaado caddeyn ku aadana halka uu ku noqday “Cadowga Somaliland”. Mudane Abiib ayaa shirkiisa jaraa’iid ku caddeeyay in garyaqaan Xuseen Shabeel uu kamid ahaa ku dhowaad 30 qof oo ku sugnaa goobtii murankaasi uu ka dhacayay.

Garyaqaanka oo la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in uu aad uga xumaaday ficiladii taliyaha ciidanka booliska, isla markaana lagu tilmaami karin ficilo masuuliyadeed.

Waxaa uu xusay in marar badan uu isku dayay in taliyaha uu xusuusiyo masuuliyadiisa, balse uusan dhegeystan, laakiin beddelkeeda uu ku guuleystay in uu xakameeyo xildhibaan Maxamed Abiib oo la socday

“Waxaan ka xasuustaa hadalada taliyaha in uu lahaa waxaan kuu xireynaa shaar kula eg, waad kibirsantahay, mana tihid Somaliland ee waxaad tahay cadowgeeda”, ayuu yiri garyaqaanka.

Garyaqaanka ayaa sheegay in muddo 20 sannadood ah uu kusoo jiray garsoorka, balse uusan waligii soo arkin taliye u dhaqmaya sida Maxamed Aadan Saqadhi.

“Xarunta CID-du waa meel u shaqeysa dadka, mana ahan meel qof loo diidi karo. Taliye Maxamed ka hor waan geli jirnay, haddana waan geleynaa”, ayuu sii raaciyay.

Taliyaha booliska Somaliland, Maxamed Aadan Saqadhi, wali kama uusan halin eedaha culus ee loo jeediyay.


Hassan Istiila, Hiiraan Online
[email protected]