4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 16, 2022
Guddiyada Doorashada Guddoonadda Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare oo la magacaabay
 

Sabti, April, 16, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha kumeel gaarka ee Golaha Shacabka Xildhibaan Cabdisalaan Axmed Dhabanacad ayaa magacaabay xubnaha guddiga qabanqaabada doorashada guddoonka Golaha Shacabka oo ka kooban 10 xubnood, kadib markii Maanta Golaha ay yeesheen kulankoodii ugu horeeyay.

Guddigaan oo ayaa lagu wadaa in Maalinta berito ah ay kulan ku yeeshaan magaalada Muqdisho, kaasoo ay uga hadli doonaan howlaha horyaala ee loo magacaabay ee ah doorashada guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka iyo labadiisa ku xigeen.

Magacaabista xubnahaan ayaa imaaneysa xili guddoomiyaha KMG ee Golaha Shacabka uu Maanta sheegay in loo baahan yahay in si deg deg ah loo soo gabagabeeyo howlaha doorashada guddoonka Baarlamaanka 11-aad ee dalka.

Hoos ka akhriso magacyada guddiga loo magacaabay doorashada Guddoonka Golaha Shacabka:-


Dhinaca guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab ayaa dhankiisa magacaabay guddiga qaban qaabada doorashada guddoonka Aqalka sare iyo labadiisa ku xigeen.

Guddiga uu magacaabay guddoomiye Gaagaab ayaa ka kooban ilaa lix xubnood oo kawada tirsan Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka 11-aad ee dalka, waxaana guddoomiyaha kumeel gaarka uu dalbaday in la dadejiyo doorashada guddoonka Aqalka sare.

Hoos ka akhriso magacyada guddiga loo magacaabay doorashada Guddoonka Golaha Aqalka Sare:-


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online