4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 16, 2022
Kalkaaliso Soomaali ah oo labo sano gudaheed ku noqotay milyaneer: Sheekada gabadha uu dhalay Feysal Cali Waraabe

Sabti, April, 16, 2022 (HOL) - Labo sannadood ka hor markii Faadumo Cali ay sheegtay inay iska dhaaftay shaqadii kalkaalisannimada oo ay furaneyso ganacsi ay iyadu leedahay, dad badan ayaa ku tilmaamay in ay waalantahay, balse hadda shirkadeeda waxay haysataa lacag dhan malaayiin Yuuro.

Faadumo waxaa dhalay Faysal Cali Waraabe oo ah guddoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID ee Somaliland.

Faadumo Cali waa milkiilaha iyo maamulaha shirkadda Hoiwa Oy oo ka shaqeysa arrimaha caafimaadka. Shaqadda shirkadda ayaa ah hannaan ganacsi oo kalkaaliyeyaal ay ugu diraan xarumaha caafimaadka iyo isbitaallada shaqaallaha caafimaadka raadinaya.

Shirkada oo la aas-aasay sannadkii 2020, ayaa isla sannadkaasi sameysay nus milyan Yuuro, sannad-maaliyadeedkeedii labaadna waxaa soo gashay lacag dhan 4.2 milyan.

Faadumo oo ah 35-jir qaxootinnimo ku tagtay dalka Finland, ayaa hal-abuurkeeda ganacsi uu soo jiitay warbaahinta, kaddib markii loo doortay ganacsadaha sanadka ee Espoo. Waxaa ay ku guuleystay abaalmarinta sanadka ee shakhsiyaadka ganacsiga iskood u abuurtay ee waddanka Finland.

“Waxaan u mahadnoqayaa Finland oo ah waddankii aan imid 32 sannadood ka hor anniga oo gabar yar ah. Fursad yaab leh ayuu i siiyay dalkan, waxaana fursadaasi u isticmaalay sidii ugu wanaagsaneyd ee aan awoodi karay”, Faadumo ayaa sidaasi tiri markii ay khudbad ka jeedineysay munaasabadii lagu siinayay abaalmarinta

Hal qof ayaa ka shaqeynayay xafiiska shirka markii la bilaabayay, haddana waxaa ka shaqeeya shaqaale gaaray toban. Sannadkii ugu horreeyay kadib, waxaa shirkadda u diiwaan-gashanaa ku dhawaad 400 oo xirfadlayaal caafimaad ah, haddana waxaa u diiwaan-gashan ilaa 2,500.

Horumarka noocaan oo kala ah ee dhinaca korarka tirooyinka ayaa naadir ku ah nooc kasta oo shirkad ah. Korronka heerka sare ah waxaa u suurtageliyay faa'iidooyinkii badnaa ee shirkadu sameysay sannadkii ugu horreeya.

Hoiwa Oy waxay rabtaa inay ballaariso hawlaheeda oo ay ka dhigto mid gaarta adduunka oo dhan.

Faadumo Cali, oo ka sheekeyneysay waayihii ay kasoo martay markii ay bilaabeysay shirkaddeeda, ayaa sheegtay in ay aheyd hooyo heysatay afar carruur ah oo ay aabahooda kala tageen, isla xiligaasina ay baraneysay sida loo daryeelo dadka qaba xanuunka macaanka (A diabetes nurse).

“Qof walba waxaa uu leeyahay fursad uu ku riyoodo, ganacsi sameey oo ku guuleysto. Si dad badan ay u dareemaan in dadaadka badan la isku abaalmariyo”, ayey raacisay.

Xiligii guga ee sannadkii 2020 shirkadda Hoiwa Oy ayaa loo qaban baahi weyn, maxaa yeelay waxaa baahi deg-deg ah loo qabay kalkaaliyeyaal maadaama xiligaasi uu jiray xanuunka COVID. Xiligaasi kalkaaliyaasha ka shaqeeya shirkadda ayaa aadi jiray meel kasta.

Hassan Istiila, Hiiraan Online
[email protected]