4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 16, 2022
Doorashada kursi tartankiisa adag yahay oo Maanta ka dhaceysa magaalada Jowhar
 

Sabti, April, 16, 2022 (HOL) - Guddiga hirgelinta doorashada maamulka Hirshabeelle ayaa Maanta lagu wadaa in magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe iney ku qabtaan doorashada hal kursi oo sumadiisu tahay HOP 106, kaasoo ay ku tartami doonaan ilaa lix Musharax.

Guddiga ayaa shahaadada Musharaxnimo guddoon siiyay ilaa lix Musharax oo mid ka mid ah dumar tahay, waxaana kursigaan horay ugu fadhisay Mina Xasan Shibis oo isaga hartay iney markale u tartanto doorashada kursigaan.

Musharaxiinta isku diiwaan gelisay u tartamida kursiga Maanta doorashadiisu dhaceyso ayaa kala ah Cisman Maxamed Maxamuud ( Xaadole), Shadoor Xaaji Maxamuud, Fowsiya Sheekh Cali Maxamuud, Bashiir Maxamed Yusuf, Yusuf Cabdi Cabdulle, Yaxye Abuukar Aaden.

Maamulada Hirshabeelle iyo Jubbaland ayaa ah labada maamul ee wali ku harsan yihiin doorashada kuraas ka mid ah Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya, xili khamiistii magaalada Muqdisho lagu dhaariyay Xildhibaanada Baarlamaanka 11-aad ee dalka Soomaaliya ee dhawaan lasoo doortay.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online