4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 15, 2022
Dowlad degaanka Soomaalida oo go'aano kasoo saartay dhacdadii ka dhacday tuulada Caleen
 

Jimco, April, 15, 2022 (HOL) - Hoggaan ku xigeenka Nabadgalyada ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya Maxamed Cali Daahir oo Warbaahinta degaanka la hadlayay ayaa ka warbixiyay dhacdadii tuulada Caleen ka dhacday, iyo waliba go'aannadii ay xukuumadda degaanka Soomaalidu ka gaartay arrintaas.

Ugu horreyn Hoggaan ku xigeenku waxa uu xusay in xukuumadda degaanku ay goobtaas u dirtay ciidan dheeri ah, si ay u sugaan amniga shacabka, isla markaana ay u baacsadaan dablaydii soo weerartay tuulada Caleen, ee laayay dadkii shacabka ahaa ee aan waxba galabsan.

Sidoo kale Hoggaan ku xigeenku waxa uu sheegay in Ciidamada degaanka ee loo diray xuduudda degaanku la wadaago Galmudug, lagu amray inay xiraan xadka isla markaana ay xanibaan gawaarida aan sharciga wadan ee u kala gudba labada dhinac, iyagoo ciidanku la wareegaya gaarigii aan ka diiwaan gashanayn Itoobiya ama dowlad degaanka Soomaalida.

Hoggaan ku xigeenka ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada degaanku amar ku qabaan inay la wareegaan hubka sharci darrada ah, aagaasna uu noqdo mid hubka ka caagan, oo haba yaraatee aan wax hub ah lagu wadan karin.

Go'aannadan ay xukuumaddu soo saartay ayaa kusoo hagaagaya xilli dhagta loo taagayay waxa ay xukuumaddu ka yeesho, dhacdadii Caleen ee dablayda hubaysani ku laysay dad shacab ahaa oo hal qoys ka koobnaa.

Ugu dambayn xukuumadda degaanka Soomaalida ayaa sheegtay in lagu raad joogo dablaydii dhibaatada gaysatay, oo qaarkood la qabtay kuwana la laayay inta hadhayna lagu raad joogo.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]