4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 15, 2022
Ciidamada dowlad degaanka Soomaalida oo sheegay in ay ku daba jiraan dablay hubaysnayd ee dadka ku laayay tuulada Caleen
 

Jimco, April, 15, 2022 (HOL) - Ciidamada dowlad  Degaanka Soomaalida ayaa waxay sheegeen in aay ku daba jiraan dablay hubaysnayd, oo habeen hore dad shacab ah ku laayay tuulada Caleen, oo ka tirsan degmada Shilaabo ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya.

Hay'adaha amniga ee degaanka Soomaalida oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay dhaawaca mid kamid ah dablaydii dadka laayay ee kusoo duulay tuulada Caleen, waxayna sheegeen hay'adaha amnigu inay ku daba jiraan dablaydii dadka ku laayay tuulada Caleen.

Dablaydan ayaa sida la sheegayo waxay kasoo tallaabeen dhinaca Soomaaliya gaar ahaan Galmudug, waxaana la sheegayaa in dablaydan ay diidanaayeen nabadaynta ka dhex socota dadka walaalaha ah ee wada dega xadka u dhaxeeya dowlad degaanka Soomaalida iyo Galmudug.

Habeenkii Khamiistu soo galaysay ayay dablaydan oo kasoo duushay dhinaca Galmudug, waxay tuulada Caleen oo kamid ah degmada Shilaabo ku laayeen 5 qof oo hal qoys ahaa kuna jireen labo is dhashay.

Masuuliyiinta dowlad degaanka Soomaalida ayaa si wada jir ah waxay tacsi u direen qoysaskii iyo shacabkii ay ka baxeen dadkii lagu laayay tuulada Caleen oo kamid ah degmada Shilaabo oo ka tirsan Gobolka Qoraxey.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]