4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 15, 2022
Guddiga doorashada Hirshabeelle oo Jowhar ku qabtay doorashada kursi kamid ah aqalka hoose
 

Jimco, April, 15, 2022 (HOL) - Maxamed Axmed Maxamed (Beereey) ayaa ku guulaystay kursiga tirsigiisu yahay HOP024 ee barlamaanka Soomaaliya oo doorashadiisa ay ka qabsoontay Magaalada Jowhar.

Xildhibaankan ayaa kusoo baxay doorasho ay ku tartameen afar musharrax oo uu kamid yahay, wuxuuna helay 59 cod oo ah in ka badan kala bar tirada guud ee ergada doorashada.

Doorashada kursigan wuxuu ahaa mid la isla gaaray xalay saqdii dhexe, wuxuuna kamid ahaa mid kamid ah doorashadii ugu adkayd ee ka dhacda magaalada Jowhar.

Xildhibaankan Beereey ayaa sannadkii 2016 looga guulaystay kursiga uu hadda ku guulaystay, waxaana kaga guulaystay xildhibaan Cabdiqaadir Carabow, kaas oo hadda doorashada ka helay 7 cod kaliya.

Hirshabeelle ayaa ku jirta maalmihii ugu dambeeyay ee doorashada aqalka hoose, waxaana dhiman kuraastii ugu dambeysay oo lasoo gabagabayndoono todobaadka soo socda.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online