4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 14, 2022
Beesha caalamka oo soo dhoweysay dhaarinta labada aqal ee barlamaanka Soomaaliya

Khamiis, April, 14, 2022 (HOL) - Beesha caalamka ayaa soo dhoweysay dhaarintii maanta ee xildhibaannada golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Soomaaliya. Kaddib muddo ka badan hal sano oo dhammaan hay’adaha dowladdu ay dhaafeen waqtigoodii dastuuriga ahaa.

Beesha caalamka waxay sidoo kale si adag u cambaareeyeen Hoobiyaal al-Shabaab, ay ku garaaceen meel ku dhow goobta ay ka dhaceysay xafladda dhaarinta labada aqal ee barlamaanka.

“Waxaan ku hanweynahay in si degdeg ah loo dhamaystiro marxaladaha geedi-socodka doorashada, gaar ahaan doorashada hoggaanka baarlamaanka, kadibna Madaxweynaha. Waxaan ogsoonahay in ay jiraan kuraas baarlamaan oo aan la buuxin, waxaana fahamsanahay in xubnaha dhiman la  dhaarin karo oo ay ku soo biiri karaan geeddi-socodka, “ ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay beesha caalamka.

Ugu dambayn, beesha caalamka ayaa mar kale ugu baaqday madaxda Soomaalida inay yareeyaan khilaafka siyaasadeed, ayna si deg deg ah oo lagu kalsoonaan karo u soo gebagebeeyaan hannaanka doorashada.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online