4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 14, 2022
Dhagaysiga dacwadda Madaxwaynihii hore ee degaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar oo dib loo dhigay
 

Khamiis, April, 14, 2022 (HOL) - Dhagaysiga dacwadda Madaxweynihii hore ee dowlad degaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar ayaa mar kale dib loo dhigay, kadib markii tarjumaankiisii uu ka baaqday inuu soo xaadiro maxkamadda.

Tarjumaankiisa oo la yiraahdo Cabdullaahi Raabi kana mid ah wariyayaasha ka howlgala Warbaahinta dowladda gaar ahaan qaybta Af Soomaaliga ee EBC, ayay Maxkamadda sare ee Itoobiya amartay in lasoo xiro, kaddib markii uu imaan waayay Maxkamadda, balse wararka qaar ayaa sheegaya in horey uu tarjumaanku ugu gudbistay maxkamadda inuu ka maqnaanayo fadhiga Maxkamadda.

Cabdi Maxamuud Cumar iyo xubnaha la eedaysan ayaa imbadan waxay ka cawdeen in marar badan dhagaysigooda dib loogu dhigo sababo ay kamid yihiin tarjumaanka, iyagoo Maxkamaddana ka codsaday in loo sameeyo tarjumaan kale.

Madaxwaynihii hore ee degaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa lasoo qabtay 27kii bishii 8aad sannadkii 2018kii, xilligaas oo rabshado aan horey degaanka loogu arag ay ka dhaceen magaalada Jigjiga, iyadoo rabshadahaasna lagu eedeeyay Cabdi Maxamuud Cumar iyo xubnihii xilligaas kamid ahaa xukuumaddiisii wakgtigeedu dhacay.

Isu soo duuboo, Maxkamadda sare ee Itoobiya ayaa mar kale dib ugu dhigtay dhagaysiga dacwadda Madaxwaynihii hore ee degaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar, maalinimada berri oo Jimce ah kuna beegan 15 bisha 4aad 2022.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]