4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 14, 2022
Guddiga doorashada heer federal oo go'aamiyay in doorashada gobolka Gedo loo wareejiyay degmada Ceelwaaq
 

Khamiis, April, 14, 2022 (HOL) - Guddiga doorashada heer federal ayaa go’aamiyay in doorashada 16- ka kursi ee taalay magaalada Garbahaareey ee gobolka Gedo loo wareejiyay degmada Ceelwaaq ee isla gobolkaasi Gedo.

Guddiga doorashada waxay sheegeen in Ceelwaaq loo xushay inay tahay magaalo dadka u dhaxaysa islamarkaana amnigeeda uu yahay mid sugan. Waxay kaloo sheegeen inay tixgaliyeen cabashada beelaha kuraasta leh.

Guddiga doorashada waxay kaloo sheegeen inaysan suurtagal ahayn in doorashada lagu qabto Garbahaareey, waxayna tilmaameen in maamulka Gedo uu guddiga doorashada udiiday inay tagaan magaalada Garbahaareey.

Si kastaba ha ahaatee, maalmihii ugu dambeeyay maamulka Jubbaland ayaa magaalada Ceelwaaq ka waday dhisme loogu talo galay in lagu qabto doorashada xildhibaannada aqalka hoose ee matalaya Gedo.

Degmada Ceelwaaq waxaa gacanta ku haya oo maamula Jubbaland.

Halkaan hoose ka akhriso go'aanka guddiga doorashada.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online