4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 14, 2022
Dhaarinta Xildhibaanadda labada Aqal ee Baarlamaanka 11-aad ee dalka oo Maanta Muqdisho ka dhaceysa
 

Khamiis, April, 14, 2022 (HOL) - Waxaa Maanta oo Khamiis lagu wadaa in magaalada Muqdisho lagu qabto munaasabad lagu dhaarinaayo Xildhibaanadda labada Aqal ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ee dhawaan lagu doortay deegaanada maamul goboleedyada dalka iyo magaalada Muqdisho.

Xalay ayay aheyd markii la shaaciyay in dhamaan Xildhibaanadda labada Aqal ay soo xaadiraan si ay uga qeyb qaataan munaasabada dhaarinta iyo waliba fadhiga ugu horeeya ee Baarlamaanka cusub ee dalka.

In ka badan 200 oo Xildhibaan oo qaadatay shahaadada Xildhibaanimo ayaa la filaya in saacadaha soo socda lagu dhaariyo teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho, iyadoona la dareemayo diyaar garowgii ugu dambeyay ee ku aadan munaasabadda lagu dhaarinaayo mudanayaasha Baarlamaanka 11-aad ee dalka.

Xildhibaanadda labada Aqal ee maamulka Koonfur galbeed laga soo doorta ayaa ka mid ah Xildhibaanada aan wali qaadan shahaadada marka laga reebo sadax mudane kaliya, waxaana la filayaa in Maanta ay gaaraan magaalada Muqdisho, islamarkaana ay qaataan shahaadada maadama xal laga gaaray tabashadii uu qabay maamulka Koonfur Galbeed.

Amaanka guud ee Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho ayaa Maanta siweyn loo adkeeyay waxaana ciidamada Booliiska Soomaaliya ay xireen dhamaan wadooyinka gala iyo kuwa ka baxa Teendhada Afisyooni.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online