4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 13, 2022
Guddiga doorashada heer federal oo shaaciyay inay fasaxeen labo kursi oo horey loo hakiyay
 

Arbaco, April, 13, 2022 (HOL) - Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa caawa fasaxay natiijada doorashada labo kamid ah saddexdii kursi ee laga soo doortay deegaannada Koonfur-Galbeed.

Guddiga ayaa horay u hakiyay natiijada doorashada kuraastan, kuwaas oo uu sheegay in aan loo marin habraacii saxda ahaa.

Guddiga oo shir jaraa'iid ku qabtay magaalada Baydhabo, ayaa caddeeyay in hadda la fasaxay natiijada kuraasta kala ah HOP204 iyo HOP103, kaddib markii la xaqiijiyay in wax buuq ah uusan ka jirin.

Balse guddiga ayaa sheegay in lagu noqon doono doorashada kursiga HOP154, kaas oo ay kusoo baxday xildhibaan Sareedo Maxamed Cabdi.

Xildhibaannada Koonfur-Galbeed ayaa la filayaa in ay toos u tagaan goobta dhaarinta xildhibaannada, kaddib marka ay qaataan shahaadooyinka xildhibaannimada.

Si kastaba ha ahaatee, guddiga doorashada ayaa ku guulaystay inuu xal ka gaaro tabashada maamulka koonfur Galbeed, waxaana berrito la filayaa in guddoomiye Muuse Geelle uu horey usii kaxeeyo xildhibaannada Koonfur Galbeed, si ay uga qeyb galaan xafladda dhaarinta.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online