4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 13, 2022
Ciidanka Somaliland oo xabsiga dhigay 15 wariye oo ka howlgasha magaalada Hargeysa
 

Arbaco, April, 13, 2022 (HOL) - Ciidanka ammaanka Somaliland ayaa maanta xabsiga dhigay 15 wariye oo ka kala tirsan warbaahinta ka shaqeysa magaalada Hargeysa, kaddib markii shaqaaqo ay ka dhacday xabsiga weyn ee magaalada Hargeysa.

Qaar kamid ah saxufiyiinta la xiray ayaa isugu jira kuwo ka howlgalla warbaahinta bulshada iyo kuwo xabsiga u tagay in ay kasoo warramaan dhacdada.

Ciidanka ammaanka ayaa galay xarunta warbaahinta Horncable TV, halkaasi oo lix saxafi ay ka wateen, iyagoona qaatay labo kamid ah kaamirooyinka.

Ururka Saxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa xaqiijiyay in ciidanka markii dambe ay sii daayeen Sagal Mustafa oo ka shaqeysa VOA iyo saxufiyad kale oo la yiraahdo Naciima.

Saddex kamid ah suxufiyiinta oo ay kamid yihiin Xasan Galeydh iyo suxufi kale oo la yiraahdo Axmed ayaa ilaa iyo hadda aan la oggeyn halka ay ku xiranyihiin, waxaana taasi walwal ka muujinaya qoysaskooda iyo Ururka Saxufiyiinta Somaliland ee SOLJA.

Ugu yaraan saddex askari oo ka tirsan ciidanka ilaalada xabsiyada ayaa ku dhaawacantay shaqaaqadii maanta ka dhacday xabsiga weyn ee magaalada Hargeysa, kaddib markii qaar kamid ah maxaabiista ay dhagaxaan ku weerareen ilaalada xabsiga.

Taliyaha ciidanka asluubta Somaliland, Axmed Yuusuf Cawaale Libaax, ayaa beeniyay warar soo baxay oo sheegayay in maxaabiista ay qoryaha ka qaateen ciidanka, isagoona hoosta ka xariiiqay in ay u qabaan dacwo dadkii baahiyay wararkaasi, inkasta oo uusan cidna carabaabin.

Balse waxaa la fahamsanyahay dadka ay dacwada u qabaan in ay yihiin saxufiyiinta ay xirxireen.

Wakiilka dawladda Ingiriiska u joogta Somaliland Lizzie Walker, ayaa sheegtay in ay ka walaacsanyihiin suxufiyiinta la xiray, iyadoona intaasi raacisay in xorriyada saxaafadda ay tahay tiirka dimuqraadiyadda.

Hassan Istiila, Hiiraan Online
[email protected]