4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 13, 2022
Guddoomiyahii hore ee Waxbarashada Gobolka Hiiraan oo Caawa lagu dilay magaalada Baledweyne

Arbaco, April, 13, 2022 (HOL) - Waxaa goordhaw oo Caawa lagu dilay xaafada Xaawa Taako ee magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan guddoomiyahii hore ee Waxbarashada gobolka Hiiraan Cismaan Muxumed Cilmi oo loo yaqiinay Cismaan Caato.

Allaha u naxiirtee Cismaan Caato ayaa dilkiisa waxaa fuliyay koox dabley ah oo bastoolado ku hubeysnaa, kuwaas oo marxuumka toogtay xili uu kasoo baxay Masajid ku yaala xaafada Xaawa Taako ee magaalada Baledweyne.

Kooxdii fulisay dilka Marxuum Caato ayaa si deg deg ah uga baxsatay goobta ay ku dileen Marxuumka, lama oga cida ka dambeysa dilka Caawa loo geystay Allah u naxariistee guddoomiyahii hore ee Waxbarashada gobolka Hiiraan.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online